Wixii ku saabsan ururka OneAmerica (Hal Maraykan)

Wixii ku saabsan ururka OneAmerica (Hal Maraykan)

OneAmerica® waa ururka u doodista haajiriinta iyo qaxootida ee ugu ballaaran Gobolka Washington, waxuuna wax la qaban qaabiyaa una doodaa bulshooyin kaladuwan sida Koonfurta Ameerika, Afrikaan, iyo Aasiyan. Iyadoo intii hore magaciisu ahaa Hate Free Zone (Goobta Neceyb La’), ururka OneAmerica waxaa la aasaasay islamarkii ka dambaysay maalintii Setembar 11, 2001 si wax looga qabto gadoodka, dembiyada neceybka, iyo takoorka loo geysto bulshooyinka haajiriinta ah ee midab kale ah, inta ugu badan Muslimiinta, Carabta Maraykan ah, Afrikada Bari, iyo Koonfurta Aasiya.

Maanta, ururka OneAmerica waxuu door firfircoon oo haggaamin leh ka qaataa isbaahaysiyada gobolka iyo qaranka ee ka shaqeeya xuquuqda haajiriinta, waxbarashada, caddaaladda dhaqaalaha iyo deegaanka, xuquuqda codbixinta, iyo dhexgalka haajiriinta. Waxaan annagu aaminsan nahay in mujtamac caddaalad, dimoqraadiyad iyo naxariis dheeraad ah leh la abuuri doono marka la dhiso dhaqdhaqaaqyada sal ballaaran ee ay hoggaamiyaan dadka midab kale ah iyo taageereyaashoodu ee ku fadhiya qabanqaabada bulshada dadweynaha caadi ah.

Hawshayada

Ururka OneAmerica waxuu xaafadda, gobolka, iyo qaranka hore ugu socodsiiyaa mabaadii’da aasaasi ah ee dimoqraadiyadda iyo caddaaladda isagoo awood ka dhex dhisa bulshooyinka haajiriinta ah lana shaqeeya taageereyaasha daruuri ah.

Aragtidayada

Ururka OneAmerica waxuu sawiranayaa duni nabad ah oo lagu xushmeeyo xuquuqda aadamaha iyo sharafta qof walba, halkaasoo bulshooyinku wax qiime leh ugu arkaan farqiyada u kala dhexeeya ayna wadajir isugu taagaan caddaaladda iyo sinnaanta, iyo halkaasoo qof kasteba gargaar kaga bixiyo wanaagga guud.

Ballanqaadkayaga

Waxaan annagu nahay bulsho dadka lagu soo dhaweeyo oo wax lagu barto aadna ugu huran in ay noqoto urur jinsiyado farabadan, dhaqanno farabadan, cunsurnimada ka hortaga, da’o kaladuwan oo lagu hirgeliyo anshaxyada aasaasi ah ee xuquuqda aadamaha iyo caddaaladda jinsiyadeed dhanka gudaha iyo dhanka dibaddaba. Waxaan weliba u huran nahay in aan si waxtar leh u isticmaalno khayraadka aan haysanno, in aan shaqadayada qiimayno, aanan cashar ka qaadanno dhacdooyinka na soo mara si aan marwalba isku wanaajinno.

Fikraddayada Isbeddelka

Fikraddayada isbeddelku waxay ka bilaabantaa qabanqaabada bulshada iyo horumarinta hoggaanimada bulshooyinka haajiriinta iyo qaxootida ah ee midab kale ah si aan shacabka iyo siyaasadda uga abuurno bannaan hoggaamiyeyaashayada dadweynaha caadi ah u suurtogeliya in ay qaabeeyaan oo ay dib u habeeyaan siyaasadaha, caadooyinka, hay’adaha, iyo dhaqdhaqaaqyada noloshooda saameeya Hoggaamiyeyaasha dadweynaha caadi ah iyo xubnaha bulshooyinka meelo gaar ah dunida kaga yaalla ayaan hawsha kaga qayb gelinnaa qaabkayaga ka qaybgelinta shacabka: qabanqaabada, horumarinta hoggaanimada, dhalasho siinta, diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxbarashada iyo xaadiridda codbixiyeyaasha, musharrixiin loo dhiso jagooyinka magacaabis iyo doorasho lagu helo, iyo maamulka ay hoggaamiyaan dadka midab kale ah.

Waxaan xubnahayaga ka taageernaa hoggaan u qabashada ololeyaasha istiraatiiji ah ee xaafadda, gobolka, iyo qaranka iyo sidii ay xirfado iyo kartiyo daruuri ah – falanqaynta siyaasadaha ee waqtiga habboon, wadaxiriirrada istiraatiiji ah, khibradda siyaasadda iyo sharci dejinta – ugu keeni lahaayeen ololeyaashan. Waxaan xeeladdayada ku abbaarnaa dhisidda kartida hoggaamiyeyaashayada dadweynaha caadi ah annagoo adeegsanna ololeyaasha ku lug leh soo ogaanshaha dhibaatooyinka, cilmibaarista iyo falanqaynta siyaasadaha, u doodista iyo qalqaalada toos ah, arjiyada wadajir loo qoro iyo xeeladaha qalqaalada ee dadweynaha caadi ah ee taas ku xiran, falalka toos ah, iyo u xilsaarka doorashooyinka.

Nala Soo Xiriir

Goobta Xafiiska iyo Cinwaanka Boostada:

OneAmerica
1225 S. Weller Street, Suite 430
Seattle, WA 98144

Telefoonka: 206-723-2203
Fakis: 206-826-0423
info@weareoneamerica.org

Barnaamijka Dadka Maraykan Cusub ah ee Washington (Washington New Americans) waa iskaashiga aanan macaash ku shaqaynin ee Gobolka Washington iyo ururka OneAmerica oo laga helo gargaar bilaash ah oo qaadashada dhalashada Maraykanka ka caawiya degganeyaasha sharci joogto ah haysta ee u qalma. Si aad macluumaad dheeraad ah u hesho, booqo www.wanewamericans.org ama farriin qoraal ah u soo dir ama soo wac Khadka degdeg ah ee lambarkiisu yahay 206-926-3924.