Img 5967 Saamiga Miisaanka leh 3 1

Aragtida
Change

Dhisida awooda soogalootiga ee Gobolka Washington

Waxaan aaminsannahay in aan awoodda la siinin ama la iska leeyahay, balse la dhiso marka aan horumarinno hoggaamiyeyaal ka soo jeeda beelaheenna si ay ugu dagaalamaan xoreynta shaqsi iyo wadajir. Shaqadeena waxaa haga xukunka ah in dadka sida tooska ah u saameeyay ay tahay inay hoggaamiyaan dhaqdhaqaaqeena caddaaladda. Waxay ugu qalabaysan yihiin inay abuuraan xalal dhab ah oo awood waara u dhisa bulshadeena.   

Hogaamiyeyaasha soogalootiga ee asalka ah - saldhigayada - ayaa ah udub dhexaadka shaqadeena, iyaga oo kaxaynaya mudnaanta dhamaan qoyska OneAmerica ee ururada. Iyadoo loo marayo horumarinta hogaaminta, soo saarida ololayaasha, u doodista siyaasadda, ka qaybgalka bulshada, isgaarsiinta istaraatiijiga ah iyo abaabulka doorashada, waxaan wanaajinaa nolosha soogalootiga iyo qaxootiga ee gobolka Washington.     

Waxaan ku guulaysanaa, kaliya maaha siyaasadda la beddelay, laakiin innaga oo kobcinayna awoodda iyo adkaysiga dhaqdhaqaaq ka bixi doona arrimaha ama dhibaatooyinka taagan. Si wada jir ah, waxaan u dhisi doonaa gurigeena kobcaya, meel ay u siman yihiin soogalootiga iyo qaxootiga, la qiimeeyo lana jecel yahay.       

7 Dhanka Saamiga 4 3

Sida aan u qeexno Awoodda

Awood inoogu jirta waxa lagu qeexaa dad habaysan, fikrado habaysan, iyo lacag habaysan. 

Aragtida Isbedelka Re Do

 

Sida aan u dhisno Awood

Waxaan ku dhisnaa awooda bulshooyinka soogalootiga iyo qaxootiga anagoo dhisayna hogaaminta iyo abaabulka salkeena hogaamiyayaasha asaasiga ah, abaabulida istaraatiijiyada doorashada iyo abuurista isbedel qaabeysan iyada oo loo marayo ololeyaal si muhaajiriinta iyo qaxootiga ay u koraan.