Ogow Xuquuqdaada
Waxaan aaminsanahay inaan qof walba u dhisi karno guri barwaaqo ah, iyadoon loo eegayn meesha uu ka yimid ama luqadda uu ku hadlo guriga. Si kastaba ha ahaatee, hadda, qaar badan oo ka mid ah saaxiibadayada, qoyska, iyo xubnaha bulshada ayaa ka baqaya duulaanka iman kara, masaafurinta ballaaran, iyo kala goynta qoyska. Taasi waa sida saxda ah ee Madaxweyne Trump iyo maamulkiisu rabaan: in aan cabsi ku noolaano. Ujeedada thweerarada maamulka Trump ku saabsan muhaajiriinta iyo qaxootiga waa in naga badin. Laakin waan ka dagaalami karnaa inagoo diyaarsanayna oo ogaanayna xuquuqdeena.
Hoosta, waxaad ka heli doontaa macluumaadka ku saabsan xuquuqdaada iyo sidoo kale ilo dheeraad ah. Buuxi boggan oo la wadaag bulshadaada. Waxaan kugula talineynaa inaad ku celceliso xaqiijinta xuquuqdaada adigoo doorka la ciyaaraya xubnaha qoyska ama asxaabta.
Markaad barato xuquuqdaada, ku biir dhaqdhaqaaqeena. Si wada jir ah ayaanu awood u leenahay, oo markaan cabsideena ka gudubno, waxaynu dhisi karnaa dawlad iyo dal soogalootiga iyo qaxootiga lagu soo dhaweeyo.